Taliyaaniga dadka u dhimanaya Covid-19 oo gaadhay 30,000 oo ruux

Dalka Talyaaniga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka tirdsan Midowga Yurub ee diiwaangeliya in ka badan 30,000 oo ah dhimasho la xiriira cudurka coronavirus.

Shalay oo Jimce ahayd waxaa la shaaciyay 243 oo dhimasho cusub ah, halka maalintii ka horreysay ay dalkaasi ku dhinteen 274. Tiradan cusub ayaa tirada guud ee dhimashada cudurkaasi ka dhigeyso 30,201.

Tirada maalinlaha ah ee kiisaska cusub ee la xaqiijiyay ayaa wax yar hoos uga dhacday 1,327, taasi oo ka dhigeysa tirada guud ee dadka uu cudurka ku dhacay 217,185 oo oqf.

Xayiraadaha lagu xakamaynayay faafitaanka cudurkani ayaa la billaabay in la khafiifiyo guud ahaan dalkaasi Talyaaniga balse mid ka mid ah dhakhaatiirta dalkaasi ayaa xaaladda magaalada Milaan ku tilmaamay mid halis ah.

Talyaaniga ayaa ah waddanka saddexaad ee ugu sarreysa dhanka dhimashada caalamka oo dhan, waxaana ka sarreeya Mareykanka iyo Ingiriiska.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com