Taliskii qaybta Booliska gobolka Nugaal oo la weeraray iyo maamulka gobolka oo faah faahin ka bixiyay (dhegayso)

Xaruta Taliska qaybta Booliska ee gobolka nugaal ayaa saaka waabarigii  waxaa soo weeraray ciidamo hubaysan oo la sheegay in ay ka gadood sanaayeen shaqo fariisin ay ku sameeyeen saraakiisha ugu saraysa ee laamaha amniga ee gobolka Nugaal.

Ciidamadan soo weeraray Taliska qaybta Booliska ayaa waxaa hogaaminaysay saraakii shaqo fariisin lagu sameeyay kuwaas oo gaaray in ka badan 30 sarkaal iyo ciidamo ay wateen .

Weerarkan aya waxaa ku dhaawacmay 2 sarkaal oo ka tirsanaa Taliska qaybta Boolsika ee gobolka Nugaal .

Gudoomiyaha gobolka nugaal Cumar Farawayne ayaa wacad ku maray in ragan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland .

Halkan ka dhagayso.

 

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com