Taliska Qaybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad laga faafiyey

Taliska Qaybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad laga faafiyey.
Warka lagu beeniyey in uu jiro khilaaf maamulka degmada ee Galkacyo iyo booliska, kana soo baxay taliska wuxuu u qornaa sidaan hoose.
#BEEN_ABUUR

Xafiiska taliska qeybta booliska Gobolka Mudug ee dowladda Puntland wuxuu xaqiijinayaa been abuur inay tahay war lagu faafiyay baraha bulshada,oo lagu sheegay Dacwad Taliska qeybtu u gudbiyay Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka booliska Gobolka Mudug Kornayl Muumin Cabdi Shire oo jawaab cad ka bixiyay faafinta been abuurka wuxuu u xaqiijinayaa dhamaan Dadweynaha iyo Hay’addaha ay qusayso inay tahay been abuur qoraalka ku yaala warqada hoos sawirkeedu ka muuqdo,mana jirto khilaaf u dhaxeeya maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Ciidanka booliska Gobolka Mudug,mana jirto Dacwad ka dhan ah oo Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan uga gudbiyay Taliska ciidanku Garsoorka Gobolka Mudug.

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug wuxuu u caddeynayaa bulshada Gobolka waajib shaqo inay tahay habeen iyo maalin ciidamada amaanku gudashada shaqooyinka sugida Nabadgalyada iyo Ilaalinta Amniga.

Sidoo kale Taliyaha Booliiska Gobolka Kornayl Muumin ayaa ku waaniyay cid kasta oo ku hawlan faafin warar been abuur ah inay ka waan-toobaan dhaqamo la xidhiidha marin habaabinta bulshada,taasoo aysan ugu suurtoobi doonin falal ay ku abuuraan khilaaf iyo arrimo lagu carqaladeyn karo Nabada,Horumarka iyo guud ahaan wada shaqeynta Shacabka iyo Dowladdooda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com