Site icon Radio Daljir

Taliska Maraykanka Africa oo sheegay inay dileen saraakil Alshabaab ah

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay in duqeyn dhanka cirka ah 11-kii bishan ka fuliyay degaanka Mubaarak oo 37 mile dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay isaga oo garab ka helaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya in duqeyntaasi uu ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab, halka mid kalena uu ku dhaawacay.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sidoo kale sheegay baaritaano ay sameeyeen kadib inay ku ogaadeen inaanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen xagjirinta AlShabaab meel 37 mile dhanka galbeed ka xigta magaalada Muqdisho, waxaan ku dilnay 2 Argagixiso.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).

Exit mobile version