Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin dheeri ah kabixiyeey Qaraxii Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin dheeri ah kabixiyeey Qaraxii Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha dhimasho dhimasho midka dhaawac iyi midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa Gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan (Duudishe) oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Taliyaha qaraxa lagu weeraray xilli uu karayay wadada ka leexatay Isgoyska Banaadir ee aada dhinaca Isbitaalka Banaasir, isla markaana uu ka badbaaday.

Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ka dam eeyeen Al-Shabaab ayna doonayeen inay ku dilaan Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, balse uu ka badbaaday, waxaana uu sheegay inay qaraxa ku dhinteen 5 Ruux oo Shacab ah, 9 kale ay ku dhaawacmeenn ,sidoo kale uu jiro dad farabadan oo ka burburtay hantidooda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Kolonyada uu watay Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qarooel, iyaga oo sheegay inay askar farabadan ku dileen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com