Taliska Ciidanka Badda Puntland oo beeniyey eedayn uga timid Burcad-Badeed markab ku haysta Garacad. (Dhegayso)

Jariiban, Dec, 17- Taliska sare ee ciidanka Badda Puntland ayaa ka hadlay howlgalka ciidanka Badda ay ka wadaan xeebaha deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

?
Taliyaha ciidamada Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo u waramay Radio Daljir ayaa sheegay hawlgalku inuu ku socdo sidii loogu talagalay walina ay ciidamadu ay ku hareeraysanyihiin Markabka la haysto.
?
Waxaa uu dhinaca kale beeniyay eedayn uu jeediyay mid ka mid ah Burcad-badeeda Markabka saaran oo u sheegay warbaahinta dibadda cidamada Badda inay ku hawlgalayaan dhaqaale ay bixisay shirkadda Markabka iska leh.
?
Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Badda Puntland iyo kooxo Burcad-badeeda oo haysta markabka Icerberg 1 uu dagaal khasaare dhaliyay ku dhex maray xeebaha bari ee ee gobolka ?Mudug.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(S)

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0