Site icon Radio Daljir

Taliska Ciidanka AFRICOM oo sheegay in 6 sarkaal shabaab ah ay dileen

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay 6 ka tirsan Alshabaab ku dileen hal Duqyen oo bishan 8-dii ka dhacday Deegaanka Yaaq Baraawe oo ka tirsan Gobalka Baay, sida lagu sheegay Hadal-qoraal oo ay AFRICOM soo saartay.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay duqeyntaasi ku burburiyeen Gaari Tekniko ah oo ay la socdeen 6 ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxayna intaasi ku dareen inaysan dad rayid ah lagu dilin, laguna dhaawicin Duqeyntaasi.

Taliska AFRICOM waxay kaloo sheegeen inay garab taagan yihiin DFS iyo Saaxiibadda Caalamiga si looga hortago weeraradda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika waxay qoraalkooda ku sheegeen inay sii wadi doonaan inay kala shaqeeyaan Saaxiibadooda sidii ay Ciiddanka AMISOM ugu wareejin lahaayeen DF S iyo Dowlad-gobaleedyadda mas’uuliyadda Ammaanka ee xilliga dheer ee dalka Somalia.

Exit mobile version