Taliska AFRICOM oo sheegay inay duqayn ku dileen saraakil shabaab ka tirsan

Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Hawlgalka Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay xalay sheegteen inay 3 Dagalaame o oka tirsan Alshabaab ku dileen duqeyn Diyaraadeed oo Axaddii la soo dhaafay ka geysteen meel ku dhow Deegaanka Toorotoorow ee Gobalka Sh/hoose, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadal-qoraal oo ay Taliska AFRICOM soo saareen ayey ku sheegeen inay duqeyntaasi ahayd waxa ay ugu yeereen is-difaac, kadib, markii ay Dagaalamayaal Alshabaab soo weerareen ciiddan ka tirsan kuwa DFS oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Toorotoorow.

AFRICOM waxay kaloo sheegeen inaysan jirin dad rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay Duqeyntaasi oo ahayd tii ugu dambaysay ee ay AFRICOM ka geystaan Somalia.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com