Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil gaari

Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil gaari

Uguyaraan 150 qof oo tahribyaal Itoobiyan ah ayaa ku dhaawacmay, halka 4 qof oo kalena ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Tawakal oo hoos yimaada degmada Xingalool.

Tahriibayaasha ayaa ku soo jeeday magaalada Bosaaso oo ah halka ay ka tahriibaan intooda badan.

wax garad deegaanka uu Shilku ka dhacay ayaa gaarya goobta si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Shilkan.

lama oga ilaa iyo haatan sababta dhalisay shilkan,iyadoo gaariga Shilka sababay uu ahaa nooca xamuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka.

Shabakad isku xiran oo ka dhax shaqaysa inta udhaxaysa Bosaaso iyo magaalada Laascaanood ayaa dadkan Itoobiyaanka ah waxa ay ka qaataan lacago farabadan iyagoo si dhuulaalaysi ah ku soo galiya magaalada Bosaaso kuna daadiyay waddada isku xirta Garoowe iyo Bosaaso.

Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com