Site icon Radio Daljir

TACSI Inaa Li’laahi Wa’inaa Ileyhi Raajicuun

Dawladda Puntland waxay ka Tacsiyeynaysaa  Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuumad Cambaro Xusseen Xayle oo ahayd Hooyada dhashey Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji  Cumar Camey oo saaka ku geeriyootay USA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu si gaar ah tacsi ugu dirayaa Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji  Cumar Camey, eheladii iyo qaraabadii ee ay ka geeriyootey marxuumad Cambaro Xusseen Xayle, wuxuuna Allaah uga baryey inuu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo uuna daris uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii SCW.

Exit mobile version