Taariiq nololeedka Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”Yariisow”

Allaha u naxariistee Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabatay dalka sidii ay uga caawin lahaayeen in dalka uu lugihiisa isugu taago.

Allaha u naxariistee Eng Yariisow ayaa ahaa shaqsi af gaaban isla markaana si wanaagsan dadka ula dhaqma oo aysan ka muuqan isla weyni xilliyadii uu xilalka hayay iyo xilliyadii kale ee uu noloshiisu caadiga ahayd;

Wuxuu sannadkii 1986-dii ka qalanjebiyay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo bartay culuumta handasada.

Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii 1991 wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic.

Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster.

Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.

Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008.

Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMGka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com