Taariikh nololeedka Gen. Yuusuf Axmed Khayre oo xalay ku geeriyooday London (daawo)

Xalay magaalada London ee waddanka Ingiriiska waxaa ku geeriyooday Alle ha u naxriistee Gen. Yuusuf Axmed Khayre oo muddo dheer ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii bilayska Soomaaliya, kana mid ahaa sariilkiishii xagga aqoonta ciidan bilays ahaaneed durugsan lahaa.

Alle ha u naxariistee Gen. Yuusuf Axmed Khayre intii uu ka mid ahaa saraakiishii ciidanka bilayska Soomaaliya, siiba xilliyadii dawladihii rayidka ahaa iyo middii millatariga ahaydba, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo ciidanimo, gaar ahaanna booliska.

Sidoo kale Puntland ayuu ka soo noqday markii ugu horraysay wasiir kuxigeen, isagoo markii dambana labo jeer loo kala dhiibay wasaaradaha amniga, iyo arrimaha gudaha, waxaana sidoo kale uu mar ka noqday Puntland taliyaha ciidanka booliska Puntland.

Gen. Yuusuf Axmed Khayr dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey waxaa ku xanuunsanaa UK, xalay ayuuna ku geeriyooday London.

Gen. Yaasiin Cumar Dheere waa taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland, wuxuuna aqoon fiican u lahaa Alle ha u naxariistee Gen. Yuusuf Axmed  Khayre, wuxuuna Daljir uga warramay taariikhdii nololeed ee Gen. Yusuf Axmed Khayre iyo aqoontii uu u lahaa.

Dhaawo.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com