Sweden oo ka hadashay isbadalada siyaasadeed ee dalka ka socda

HomeWararka

Sweden oo ka hadashay isbadalada siyaasadeed ee dalka ka socda

Dowladda Sweden oo  ka mid ah dowladdaha taageerada Siiya Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa walaac ka muujisay qaabkii ay baarlamaanka Soomaaliya xilka

BADQABKA CUNNOOYINKA & NAFAQADA | MAWDUUCA 2aad ee MAANTA: QUUDINTA QOYSKA (Daawo)
Tahriibayaal Xubnihii Jirkooda Lala Baxay oo Meydkooda Haaddu Ku Cunayso Saxaraha Liibiya (daawo)
Aqoonyahan Caalim oo soo dhaweyeey qodobadi ka soo baxay Shirki Wadatashiga Puntland (dhegayso)

Dowladda Sweden oo  ka mid ah dowladdaha taageerada Siiya Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa walaac ka muujisay qaabkii ay baarlamaanka Soomaaliya xilka uga qaadeen ra’iisul Wasaarihii dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Sweden oo ah deeqbixiyaha labaad ee ugu weyn Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in doorasho heshiis lagu yahay iyo ilaalinta dastuurka laga doonaayo dowladda hadda jirta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Ann Linde ayaa muujisay welwelka ay ka qabto is bedeladii ka dhacay Soomaaliya, waxaana sheegtay in muhiimaddu tahay wada hadal loo dhan yahay iyo inuu sii socdo, laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb.

“Sweden waxay walaac ka muujisay arrimaha la xiriira isbedelada isbuucaan ka socda Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in wadahadalka loo dhan yahay uu sii socdo iyo in heshiiska Dhuusamareeb la ansaxiyo” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Sweden.

 

Diwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: