Site icon Radio Daljir

Suxufiyaddii ay dileen Ciidamada Israa’iil oo Aas Qaran loo sameeyay

Waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Daanta Galbeed ee Dhulka Reer Falastiin Suxufiyadda Shireen Abu Caqli oo ay Ciidamada Israa’iil dileen.

Shireen Abu Caqli ayaa muddo ku dhow 20 sano u Shaqeyneysay Tv-ga laga leeyahay dalka Qatar ee Aljazeera, waxaana saaka la toogtay, iyada oo Shaqadeeda wadata.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa ku tilmaamay toogashada Shariin Abuu Caqiil “arrin naxdin leh” isla markaana ay bilaabanayaan baaritaan wadajir ah oo ay dhacdadan kala kaashanayaan mas’uuliyiinta Falastiin.

Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer wararka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa saakay si toos ah u tabinaysay iska hor imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaasi, waxaana la sheegay in ay rasaas kaga dhacday madaxa.

Exit mobile version