Suuqa Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho oo gubanaya.

Muqdisho, Jan, 25 – Dab xooggan oo caawa qabsaday suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa khasaare xooggan gaarsiiyey suuqaasi, sida ay sheegayaan wariyeyaal ka tirsan Radio Daljir uu suuqaasi tagay.

Wariyeyaasha ayaa sheegaya in dabka oo ilaa hadda socda uu ku faafahay qaybo badan oo ka mid ah suuqa uuna durba geystay khasaare dhaqaale oo xooggan, inkastoo aan wali la sheegin wax khasaare nafeed ah.

Waxaa socda gurmad xooggan oo la doonayo in dadkaasi lagu damiyo, kaas oo ay wadaan maamulka gobolka Banaadir iyo qaybaha kale ee bulshada.

Suuqa Xamarweyne ayaa dhawaanahan aad u cammirmay ka dib markii dagaaladu ay saameeyeen suuqa weyn ee bakaaraha, waxaana suuqa gubanahaya uu u dhawyahay dekedda Muqdisho taas oo sahashay in suuqu bilihii dambe uu ahaa mid aad u kobcaya.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta dhalisay dabkaasi, mana jiro war arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay maamulka gobolka.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com