Suuqa Westgate oo Maanta dib loo Furay

Sabti, Luuliyo 18, 2015 (Daljir) — Waxaa dib loo furay suuqi ganacsiga Westgate,oo laba sano ka hor ay burburisay, dad badanna ku laysay xarakada Alshabaab. Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay xafladda furitaanka, oo uu daadihinayay duqa magaalada Nairobi. Waxaa sidoo kale la baarayay qofkasta oo doonaya in uu gudaha u galo suuqa.

Suuqa ayaa waxaa xarigga ka furay Guddoomiyaha Magaalada Nairobi, Evans Kidero oo uu la socday taliyaha guud ee Booliiska dalka Kenya Joseph Boinnet.

Evans Kidero ayaa sheegay in dib furidda Suuqan ay Calaamad weyn u tahay Shacabka Kenya, kuwaasoo muujiyay adkeysi muddadii uu xirnaa, si aad ah ayaana loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo dibaddda Westgate Mall.

Shacabka kenya ayaa aad u soo dhaweeyay tallaabadan dib loogu furay suuqa.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com