Suudaan oo mar kalle gashay marxalad uu dhiig ku daatay

Ku dhowaad todobo qof ayaa lagu dilay dibadbaxyadii kadhacay wadanka Suudaan, iyadoo boql iyo sideetan qofna ay ku dhaawacmeen, kadib dibadbaxyo waawayn oo ay ka qaybgaleen tobanaan kun dad ah oo isugu soo baxay waddooyinka waawayn ee dalka Suudaan, iyadoo lagu dalbanayo militariga inuu maamul rayid ah uu ku wareejiyo awoodda maamulka iyo inay caddaalad helaan dadkii militariga uu ku laayay dibadbaxyadii hore.

Dibadbaxan ayaa loogu magacdaray “Dibadbaxii malaayiinka” , waxaana dibadbaxayaasha ay shalay oo Axad ahayd isugu soo baxeen kii ugu horeeyey tan iyo markii militariga uu bishii June uu ku dilay sadex qof, boqolaal qofna uu kala eryay dibadbax lagu dalbanayay hanaanka dimuqraadiydda oo dalka lagu soo celiyo, kaasi oo kadhacay xarun militariga uu ku leeyahay caasimadda Khartuum.

Dibadbaxyaasha ayaa doonaya in la maqlo dalabkooda, sida uu talfishinka Al-jazeera ay u sheegtay Hiba Morgan oo ku sugan caasimadda dowladda Suudaanta Koonfureed ee Jubba.

Ciidamada ayaa u adeegsanaya dibaxbaxayaasha booliska rabshadaha kahortaga, sunta dadka ka ilmaysiisa, rasaas noolnool iyo bambooyin si’ay dadka u kala eryaan.

Sida ay wakaaladda wararka ee Suudaan SUNA ay ku warantay dhimashada ayaa suurtagal tahay inay ka badan karto todobo qof, iyadoo dhaawaca uu yahay 181 ruux, sida ay kasoo xigatay sarkaal katirsan wasaaradda caafimaadka.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com