Suldaan Muuse Faarax Onkod ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey Bosaso+Sawiro

Bosaso, Feb 03 – Waxaa maanta lagu aasay magaalada Bosaso suldaan Muuse Faarax Onkod oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Aaska marxuumka oo kadhacay qabuuraha Biyo kululle ee bariga magaalada Bosaso ayaa waxaa ka qaybgalay issimo, masuuliyiin dowladda Puntland ka mid ah, siyaasiyiin horay xilal usoo qabtay iyo dad wayne.

Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo hadlay aaska markii uu soo gabagaboobay ayaa sheegay dowladda inay hayso raadad la xiriira dadkii dilka fuliyay.

Waxaa uu sheegay in lasoo qaban doono meel walba oo ay galaan dadka dilka gaystay, isagoo xusay haatan inay hayaan guriga dilka suldaanka laga soo abaabulay iyo meelihii ay ku baxsadeen kooxihii dilka gaystay.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay dhawraan natiijada baaritaanada dowladda ay waddo, islamarahaantaa laga hordhicim.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo joogay madasha aaska uu kadhacay ayaa dhankiisa sheegay, dilka suldaanka inuu ahaa kii ugu foosha xumaa ee dhaca.

Waxaa uu xusay suldaanka inuu ahaa nin nabadda ka shaqeeya, inbadana uu dadaallo nabadeed uu ka galay Puntland , eheladii suldaanka ayuu ka codsaday inay sugaan natiijaada baaritaanada socda.

Sidoo kale Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah issimada Puntland ee xiriirka dhaw ay lahaayeen suldaanka geeriyooday, ayaa isagana eebbe ugu beryay inuu marxuumka naxariistii janno uu ka waraabiyo.

Suldaan Muuse Faarax ayaa horay uga qaybqaatay dadaalo nabadeen ah oo kadhacay gobolada Puntland iyo shirkii ugu dambeeyey ee lagu soo dhisay dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

\"\"\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com