Suldaan Mursal Salaad Werid: “Sanaag waxaa dayacay maamuladii ka dambeeyey Cabdullaahi Yusuf” (dhegayso)

Suldaan Mursal Salaad Werdi oo ka mid ah Isimada Soomaliya ayaa mar uu la hadlaayay Warbaahinta Daljir waxa uu ka dareenceliyey magaca muddooyinkii danme loo adeegsanayey Gobolka Sanaag kaas oo lagu larayey gobolo kale. Suldaanka ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamat weedha Sanaag Bari oo Waqooyi Galbeed laga soo waaridey, oo reer Sanaag ayana ay la carareen.

Suldaan Mursal ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in xiliga Cabdulaahi Yuusuf uu Gobolka Sanaag gaar ahaa Magaalada Ceerigaabo ay joogeen ciidamada Puntlan ah, laakin ay ka gaabiyeen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo talinaayey Yey kaddib.

Suldaan Mursal ayaa farriin u diray dadka Gobolka Sanaag oo uu sheegay in ay dib u hanteen dalkoodii isaga oo talo u soo jeediyey Wasiirada asbuucan ku sugnaa magaalada Badhan. Shacabka ayuu kula dardaaramay in ay u fududayaan shaqooyinka sida dhismaha gole deegaan iyo buddhigga dowladnimo waarta.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Suldaan Mursal Salaad Werid: “Sanaag waxaa dayacay maamuladii ka dambeeyey Cabdullaahi Yusuf” (dhegayso)”

  1. Mustafa Noor

    Run ahaantii sanaag tariikh ahaan ka Fac weyn labada maamul ee Somali land iyo puntland . Nasiib daro gobalka sanaag in ay kala xayuubsadaan
    Laba maamul oo ku dhisan magac qabiil waa nasiib xumo.
    Dadka dega sanaag siiba degmada laasqoray ayaa taariikhdoodu gaadhaysaa 700 sano ilaa inta la ogyahay waxana aaminsanahay hadii baadhitaan qota dheer lagu samayo taariikhda xadaaradii ka jirtey dhulkaas in ay kumaankum sano gaadhayso.sidaa darteed inay laba maamul oo bilaa sharci hoostagaan waa foolxumo iyo gunimo

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com