Sudaan oo ku guulaysatay gudoomiyaha Urur goboleedka IGAD

Sudaan oo ku guulaysatay gudoomiyaha Urur goboleedka IGAD

Ra’isalwasaaraha dalka Sudaan Cabdalla Xamduuk ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Urur goboleedka IGAD, waxaa uu xilka kala wareegay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Guusha suudaan waxaa gadaal ka riixayay Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo diidanaa in Kenya qabato xilka Guddoonka IGAD.
Soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna ma qaban karin,waxaanay si dhameystiran u bixin qaaraanka Ururka ee uu ku shaqeeyo.

Itoobiya waxaa ay qaadatay xoghayaha, halka ay dood badan ka taagneed cida qabanaysa Guddoonka Ururka oo uu dhawaan baneeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Doorashada maanta ka dhacday Adis ababa waxaa lagu ansixiyay qaabdhismeedka cusub ee ururka gobeelka IGAD.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD ee ka jira geeska Afrika.

Sidoo kale Xoghayaha fulinta IGAD, Workineh Gebeyehu, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay waxaana halkaasi ku soo dhamaaday loolan ka taagnaa Xilka gudoomiyaha urur goboleedka, Wuxuu bedelay Maxbuub Macalin oo Kenyan ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com