SRSG-ga oo cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Nairobi, Oct 29 – SRSG-ga oo cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha Soomaalia.
Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaliya, Ahmedou-Ould Abdullah ayaa si aad ah u cambaareeyey kuwa ka dambeeyey isku-dayga dilka Madaxweynaha Soomaaliyeed, Sharif Sheikh Ahmed, isku-daygaas oo kala dhacay shalay iyo khamiistii la soo dhaafay.

?Ka dib markii ay ku guul-daraysteen isku daygii afgambigii dhici-soowbay ee Bishii May – oo aheyd dhacdo si aad ah ay u cambaareeyeen dhammaan bulshada caalamka- aya isla canaasiirtii ka dambeeysay falkaas ay hadda isku dayayaan in ay argagaxiyaan dadka Soomaaliyeed si ay Ummadda ugu abuuraan qas hor leh. Adeegsiga dilalka siyaasadeed, ee lagu leeynayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, iskana maraya hareeraha wadooyinka sida haweenka iyo caruurta, ma aha habkii awood lagu heli lahaa, waana fal gebi ahaanba mudan cambaareen. Is-dilku wuxuu ka soo hor jeeda dhamaan diimaha oo dhan.

Waxaa nalagu yiri, ? ha dilina naftiina, dhab ahaan Alle ayaa ah kii marwalba idiin naxariisanaayey. Haddii qof isu dilo carro iyo cadaaladaro darteed, dhaqso ayaan ugu ridaynaa cadaabka- ama dabka? (S4, V 29-30).

Shalay oo aheyd mar uu Madaxweynaha ku soo noqonaayey Muqdishu, ayaa qolooyinka xagjirayaasha ah waxay qaadden weerar ay ula jeedeen dilka Madaxwaynaha. Ficilkaani wuxuu ka dambeeyey isku-day dil kale oo lagu qaday Madaxweyne Shariif Khamiistii hore asaga oo Diyaarad ka raacayey Airport-ka Muqdishu si uu u aado Ugaanda, ugana qeyb-galo shir-ay isugu imanayeen madaxweynayaasha Afrika.

?Isku day kasta oo dil ah laguna qaado Madaxweynaha wuxuu la mid yahay isku-day dil oo lagu qaaday dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, maadaama uu wax dhimaayo dadaalka dadka mudada dheer ugu jiray in uu soo noqoto nadaam iyo kala-danbeynba? ayu yiri Ould Abdullah.

Waxaa cad in kuwa amray ama fuliyey isku-dayga dilka aysan dan kalaheen in ay ka qeybgalaan wadahadal amase aysan doonaynin in ay gacan ka geeystaan geedi socodka nabada Soomaaliya ama tan Gobalkuba.

Xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasadda Soomaaliya
War-Saxafadeed 029/2009

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com