Spain oo dalkeeda ku xukuntay lix Soomaali oo ku eedeysan falal Burcad-badeednimo oo ay fuliyeen

Madrid, Octoober 31, 2013 – Maxkamad ku taalada dalka Spain ayaa xukun xarrig wakhti dheer ah ku riday lix nin oo Soomaali ah, kuwaas oo ku eedeysan falal burcad badeednimo lagana qabtay xeebaha Soomaaliya.

Ragga la xukumay ayaa mid ka mid ah waxaa lagu xukumay 12 oo xarrig ah halka shanta keli lagu xukumay min 8 sano oo xarrig ah, xili ay soo dhamaatay dacwad wakhti dheer qaadatay oo ku socotay eedaysanayaasha.

Spain ayaa xukuntay magacyada hoose

Maxamed Cabdullaahi Xasan

?Maxamed Aadan Maxamed

?Ciise Cabbdullaahi Ciise

?Cabdullaahi Maxamed Guuleed

?Maxamed Siciid Axmed iyo Xaamud Ilfaaf.

BBC ayaa shaacisay in ragga la xukumay la qabtay bishii janaayo ee sanadkii hore, xiligaas oo ay weerar ku qaadeen Markab kuwa dagaalka ah oo jooga xeebaha Soomaaliya, balse eedaysanayaasha la xukumay ayaa arintaas beeniyey.

Waxaa ay sheegeen in ay ahaayeen kalluumaysato si sharci daro ah lagu soo qabtay, iyagoo diiday in ay qirtaan dembiga lagu soo oogay ee sheegaya in ay damceen in ay afduubtaan Markab kuwa dagaalka ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com