Sooraan: Majaajillo Soodhaweyntii Puntland ee Hayaanka Reer Guuraaga Somaliland (daawo)

Sooraan: Majaajillo Soodhaweyntii Puntland ee Hayaanka Reer Guuraaga Somaliland (daawo)

Jilaaga Sooraan oo Majaajillo ku Maamiyey Soodhaweyntii Puntland ee Reer Guuraagii Somaliland ee u soo Hayaamay Bariga Puntland (Hoos ka Daawo)

Burco – Dhawr sano oo xiriir ah Soomaaliya waxaa ka jiray abaaro baahsan, kuwaasi oo si siman ugu wada habsaday deegaannada Soomaalida oo dhan, inkastoo ay sii kala darnaayeen, kuna kala xoogganayd abaarta iyo biyo la’aantu dadka iyo deegaannada Soomaalidu.

Xilli roobaadkii dayrta ee la soo dhaafay, kana horreeyey xilli roobkaadkaan gu’ga ee hadda lagu jiro waxaa uu ahaa mid seeg-seeg ah, badanka dhulka Soomaalidana raxmaddii roob ee dayrtu kama hoorin, waxaana horay u sii jirtay abaar roob la’aanta ka dhalatay, kaddib markii yaraanshaha roobku ay noqotay mid isku xigxigtay.

Inkasta oo sannadihii ugu dambeeyey abaartu ahayd mid soo taxnayd, roobab fiicanna aan la helin, misna xilli abaareedkii ugu cuslaa waxaa uu dhacay bilawgii sannadkaan 2017ka kadib markii la waayey roobkii dayrta, taasoo ku soo beegantahay iyadoo horay dadka iyo duunyaduba u tag-darnaayeen, daaqii iyo biyihiina ay dhammaadeen.

Roobkaasi dayrta ee la waayey, kuna beegnaa bilawgii sannadkaan, ahaana wakhtigii dhibaatada abaareed iyo midda biyo la’aaneed ee ugu weynayd lala kulmay, misna ay dadka iyo duunyadaba u dheeraayeen xanuunadu, haddana waxaa jiray meelo kooban oo roobab aan badnayn ka da’een, waxaana meelahaasi ka mid ahaa Puntland, siiba deegaanno ka mid ah gobollada Bari iyo Karkaar.

Raxmaddaasi koobnayd ee dayrta, kana da’day Puntland, siiba meelo ka mid ah Bari iyo Karkaar, waxaa iskugu soo hayaamay reer guuraa aad u tiro badan, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaanba deegaannada Soomaalidu ay degto, xooggooduna ka soo hayaamay Somaliland, Galmudug, dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo meelo kale oo dhulka Soomaalida ah.

Dadkaas reer guuraaga ah iyo duunyada ay wateen ee ku soo hayaamay Bari iyo Kakaar, Puntland waxay kala kulmeen soodhaweyn ballaaran oo ka timid dawladda iyo dadka shacabka ahba, waxaa la furay dhammaan koontaroollada ay marayeen gaadiidka hayaanka dad iyo duunyo wada, waxaana dawladdu amartay laamaha ammaanka iyo maamullada gobollada iyo degmooyinka in gaadiidkaasi loo fududeeyo safarkooda hayaan.

Intaas kaddibna xukuumadda Puntland waxay samaysay dib-u-dejin la xiriirta dadka hayaanka ah, waxayna gaarsiisay gurmaddo gaargaar oo iskugu jira hoy, hug iyo hunguri, waxaana taas barbar socday taakulooyin ka imaanayey dadka deegaanka, iyo guddiyada gurmadka Puntland, lana xiriiray soodhaweynta dadka soo guudhada ah ee ay abaartu keentay, aadkana u tabaalaysan, kuna soo hayaamay Puntland.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa dawladda Puntland iyo dadkeeda shacabka ahi ay wadeen la socod joogto ah oo loogu kuurgaliyo xaaladaha dadka soo hayaamay, kana yimid meelaha ka baxsan Puntland, gaar ahaanna noloshooda, iyo caafimaadkoodaba.

Ka sokow la socodka iyo taakulaynta dawladda Puntland iyo dadka shacabka ah ee deegaanka ee ku wajahnayd dadka soo guudhada ah, waxaa kale oo dawladda Puntland ay amartay laamaha ammaanka iyo maamullada ka jira deegaannada lagu soo hayaamay in la illaaliyo ammaanka dadkaasi, iyadoo la sameeyey guddiyo hoosaaddo dhaqan oo la socda xaaladaha hadba la soo gudboonaada dadkaasi Puntland ku soo hayaamay, kana yimid maamullada iyo meelaha kala duwan.

Tallaabooyinkaaasi dawladda Puntland iyo dadkeeda shacabka ah ee ku aaddanaa dadka iyo duunyada soo hayaamay waxay noqdeen kuwo taabbogelay, si nabaddoon ayaa loo wada degay, waxaana abuurmay is dhexgal bulsho, waxaana si xasiloon oo walaalinimo leh loo wada daaqay daaqsintii lagu soo hayaamay, dad iyo duunyana waa is xuleen, waxaana ugu dambayn wada noolaanshahaasi nabaddoon lagu soo gaaray xilli roobaadkii gu’ga oo ah midka haatan dooggiisa la daaqayo, waxaana uu si siman uga da’ay deegaannada Soomaalida badankooda.

Markii la roobsaday, raxmaddiina ka hoortay badanka dhulka Soomaalida, ayna doogsadeen deegaannadii ay ka yimaadeen dadka soo hayaamay, dawladda Puntland waxay soo saartay amar cusub oo quseeya dadkii iyo duunyadii ay wateen ee dayrta ku soo hayaamay Puntland, degganaana deegaannada ka mid ah gobollada Bari iyo Karkaar. Amarkaasi cusub dawladda Puntland waxay ugu sheegtay dadka soo guudhada ah ee ka yimid Somaliland, Galmudug, dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo meelaha kaleba in cidkasta oo rabta in ay ku laabato deegaannadii ay ka soo hayaantay dawladda Puntland ka caawinayso habkii ay ku tagi lahaayeen deegaannadoodii ay markii hore ka yimaadeen, lagana gacansiin doono gaadiidka ay ku guurayaan iyo wixii kale ee suuragal ah, iyadoo Puntland sidoo kalana u soo jeedisay dadkaasi intooda rabta in ay halkooda degganaadaan ay sii degganaan karaan, xorna u yihiin joogitaankooda, ayna ku suganyihiin dhulkoodii hooyo.

Tallaabadaasi dambana Puntland waa ay qaaday, waxayna dadkii deegaannadii roobsaday ku laabanayay ay ka caawisay habkii ay ku tagi lahaayeen meelihii ay ka soo hayaameen iyagoo nabaddoon.

Majaajillaystaha caanka ah ee Ismaaciil Cabdi Sugulle ‘Sooraan’ ayaa dhawaan Majaajillo uu sameeyey, ayna kala qaybgalayaan dhawr qof oo kale ku maamiyey habkii soo dhaweyneed ee dawladda Puntland iyo dadkeeda shacabka ahi ka faleen dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ku soo hayaamay deegaannadeeda, siiba kuwii ka tagey Somaliland ee tagey Puntland, kuwaasi oo loo sameeyey sal-u-dhig deegaan, sooryayn joogto ah iyo sagootinba, waxaana uu Majaajilladiisa ku soo hadalqaaday Sooraan deegaanno kale oo soo guudhada laga garab qabtay.

Halkan ka daawo

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com