Soomaaliya & Sare ukaca kuyimid Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay bogeeda ku shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Covid 19 ee dalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ah gobolka ugu badan ee laga soo sheegayo cudurkan baaritaanadii ugu dambeeyay.

23 ruux ayaa laga helay cudurka Covid19 maamul goboleedka Puntland halka Jubbaland laga helay 12 ruux,Somaliland 3 ruux iyadoo gobolka Banaadirna dadka laga baaray 24kii saac ee ugu dambeeyay laga helay 1 ruux cudurkan.

Cudurka Covid 19 ayaa sidoo kale waxa uu sare u kac ka sameeyay wadamo badan oo caalamka ka tirsan iyadoo dalka Hindiya la xaqiijiyay in ay u dhinteen cudurkan dad gaaraya afar malyan oo ruux.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com