Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Kawada Hadlay Iskaashi Ciidamada Iyo Amniga.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Kawada Hadlay Iskaashi Ciidamada Iyo Amniga.

Wafdi ka socday Talyaaniga oo uu hoggaaminayey Wasiirka difaaca, Elisabetta Trenta uuna qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga, Gen. Enzo vecciarelli, iyo xubno kale maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxa ay kulan la qaateen Wasiirka difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubno kale oo katirsan Dowladda.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dawladood, iskaashi laga sameeyo dhinaca Ciidamada iyo wada shaqeynta labada Wasaaradood ee difaaca.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, iyada oo ay dawladda Talyaanigu ay qayb ka tahay dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo hormarinta ciidamada qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com