Soomaaliya iyo Shiinaha oo sameystay Guddi dhaqaale oo Isku-dhaf ah

Soomaaliya iyo Shiinaha oo sameystay Guddi dhaqaale oo Isku-dhaf ah

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubna ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Aasiya iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.

Dhanka kale, ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda sii xooggeysanayay, iyadoo Shiinaha ka mid yahay dalalka sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, isla markaana uu ka joogo Safiir rasmi ah oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com