Soomaaliland oo Ka Walaacsan Weerar Kaga Yimaada Soomaaliya Inteeda Kale

Soomaaliland oo Ka Walaacsan Weerar Kaga Yimaada Soomaaliya Inteeda Kale

Maamulka Soomaaliland ayaa walaac ka muujiyey weerar kaga yimaada koonfurta Soomaaliya haddii beesha caalamka iyo qaramada midoobey ay cunaqabataynta hubka ee saaran ka qaadaan Soomaaliya.

Dr Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in haddii cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya ay fududaan doonto in dalka hub badan oo casri ah soo galo, taasina ay sababi kadho duqayn iyo weeraro ka dhan ah maamulkooda.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in qof kasta oo soomaali ahna uu hadda gurigiisa u yaalo hub Soomaali-land-na ay ka walaacsan tahay in lagu soo weeraro hubka ay damacsan tahay in ay soo iibsato hadii Cuna qabataynta laga qaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si loo dhiso ciidankii qaranka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abdikafi Ahmed Abdi 7 years ago

    Assalaamu Alaykum, Radio Daljir Somalia

    Hadalka wasiir Dr Sacad Cali Shire kama duwana kii Faysal Cali Waraabe marka waxaanu leenahay Somaliland hada lama joogo waqtigii Somalia is layn lahayd waa waqtigii xadaarada iyo Horumarka , waa waqtigii la sixi lahaa khaladaadka dhacay , waa waqtigii midowga iyo isku keenida Somalida Kala baaday , maahan waqtigii xasarada iyo xaalad abuurka , Somalia Tilaabadii horumarka bay qaaday hada , ma loo baahna hadal xanaf iyo caadifadi Ku jirto oo shacabka kicinaya .

    Mahadsanidiin , Radio Daljir Somalia.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com