Soomaaliland: Dad u dhintay Daawo Dhireed ay isticmaaleen

Lab qof ayaa geriyootay halka Saddex kalena xaaladooda Caafimaad ayaa aad u liidato,kadib markii dadkaasi ay isticmaaleen Daawo dhireed ay ka soo iibsadeen xarun lagu iibiyo Daawa oo ku taala deegaanka Balli-gubadle oo ku yaalla Xaduudka Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland ay wadaagaan.

Labada qof ee dhintay ayaa ah laba wiil, halka saddexda qof ee lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad ay yihiin Dumar.

Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Hawd ee Soomaaliland ayaa xaqiijiyey Geerida dadkaas,isaga oo sheegay inay dadkaasi ahaayeen kuwo la siiyey Daawooyin Dhaqameed dhir ka samaysan,isla markaana ay sababtay geeridooda.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay wadadakii lahaa Xaruntii dadkaasi ay dawada ay ka cuneen.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com