Soo dhawayn barnaamijka Qodista Shidaalka Puntland – Australia Puntland Diaspora Forum.

Waxaa isaguna amaan mudan Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamud Muuse Xirsi Boqor sida odaynimada ah oo uu door uga qaatay sidii arrintani ku socon lahayd, horayna bilaabideeda uu lahaa.

Waxaa isaguna xusid iyo qadarin mudan Agaasimaha Guud ee shidaalka Puntland, Ciise Maxamud Dhollawaa oo har iyo habeen u hawlanaa khatara badana u soo maray sidii hawshaasi loo edmaday uu uga mira dhalin lahaa isaga oo ahaa isku xiraha dhamaan hawsha socotay iyo inta ay xiriirka la lahayd.

Waxaa iyaguna amaan mudan dhamaan dadka aan magacyadooda la soo koobi karin oo si uun uga qaybqaatay ka mari dhalintaan hawshaan kuwaas oo ka socday dhinaca dawlada iyo dhinaca shacabka Puntland labadaba.

Waxaa xaqiiq ah in saddexdaas shakhsi la kulmeen intii hawshu socotay caqada badan oo ay dhigayeen subaac maxali ah iyo kuwa meel kale ka soo haajiray, aakhirkiise illaahay u sahlay inay ka guulaystaan.

Illaahay baa Mahad leh, isaga ayaana ka rajaynaynaa inuu ummadda reer Puntland iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed wax ka dheefsiiyo barnaamijkaan maanta socda oo Puntland ku talaabsatay.

Cumar Maxamuud Faarax
Guddoomiyaha Australian – Puntland Diaspora Forum

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com