Soo dhawaadda Hiil-Walaal (Qormo)

jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu soo dhisay doowladdii ugu danbeeysay ee Somaliya Burburkii Kadib ayaa si weyn
Taageero Ugu Muujisa Umada Soomaaliyeed
Isbadallada dhinacyada Siyaasadda iyo aminga ee ka jira Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay si Buuxda cagaheeda isugu Taagto.

Djibouti, Maanta waa dalka, waxaa ummadda Soomaaliyeed ay u qabteen dagaalladii sokeeye kadib Amaan inaga mudan, waxaa ka dhacay shirar dib u heshiisiin, waxaa lagu dhisay 3 dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed..

Waxaa Xaqiiq Ah in Aan Lasoo Koobi-karin Abaalka Jabuuti Siwalba Ay Tahay Waxaan Soo Dhawaynaya Wafdiga Heerka Sare ee ka socda Jabuuti ee yimid Muqdisho, kuna sii jeedsaday BAYDHABO
Kaasoo Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Xidhiidhka Jabuuti in La Adkeeyaa ayaan U Aragnaa inay muhiimad U Leedahay dhamaan Dadka Soomaaliyeed meel walba Ay Joogaan,Waana Soo Dhawaynaya Gudoomiyaha.

Siyaasi:Siciid Cali Axmed Qurbaawi

Xisbiga: Xisbiga Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad Leh


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com