Somtel oo $ 30,000 ku wareejisay gudiga Gurmadka (dhegayso)

Somtel oo $ 30,000 ku wareejisay gudiga Gurmadka (dhegayso)

Shirkadd Dahabshiil Group ee ka kooban Somtel, Bangiga iyo Xawaaladda Dahabshiil, ayaa maanta waxaa ay Lacag gudoon siiyeen Gudiga Gurmadka ee Masiibadii ka dhacday Muqdisho 14kii Oct.

Cali Maxamud Xasan (Cali Ceelaayo) oo u hadlay Dahabshiil group qaybaheeda kala duwan, ayaa sheegay in ay Shirkadd gar gaarkaan ugu tala gashay shacabkeeda, Waxaana uu intaas ku daray In Dahabshiil Group Marwalba oo ay masiibo dhacdo ay dhaqaalaha ka bixiyaan Qaybahaa kala
Duwan ee Shirkadda, sida Boosaaso, Muqdissho iyo Hargaysa intaba.

Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ku hadlay afka gudiga gurmadka, Ayaa Shirkadda Somtel iyo Dhamaan Dahabshiil group ku amaanay In ay tahay Shirkadda ugu soo horaysa ee Markasta oo Gar gaar loo taagan yahay ee bixisa Dhaqaalaha ugu Badan oo gudiga u biloowda, isaga oo Tusaale usoo qaatay, Gurmadkii abaara Puntland, Kii Qaxootiga Yaman iyo Midkii ugu danbeeyey ee Masiibada Muqdisho.

Ugu danbayntii ayaa halkaas lagusoo bandhigay Jeegii Bangiga Dahabshiil iyo Waraaqihii cadaynayey inay Lacagtaasi ku dhacday koontada Gurmadka Qaran.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi halkaan kadhegayso

Halkaan ka dhegayso Guddoomiyaha Dahabshiil Puntland Cali Ceelaayo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com