Somaliland oo xirtay odayaal ka hadlay duulaanka Oromada ee dhulka Soomaaliyeed (Daawo)

Somaliland oo xirtay odayaal ka hadlay duulaanka Oromada ee dhulka Soomaaliyeed (Daawo)

 

Magaalada Hargaysa  ee xarunta Somaliland ayaa waxaa ku jira xabsiga odayaal kasoo jeeda Tuuli Guuleed oo ka hadlay colaadda Oromada ay ku hayso dhulka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed.

Ugaas Cabdisalaam Jaamac Faarax ayaa sheegay sababta inay tahay Somaliland oo aqoonsi ku raadinaysa xariga odayaasha dhaqanka ee ka hadlay colaadda Oromada iyo Soomaalida.

Ugaaska ayaa ku eedeeyey Oromada inay waddo dhul balaarsi xooggan oo ay ku qabsanayso dhulka Soomaaliyeed, waxaana uu ku tilmaamay Soomaalida dagaalka kula jirta inay yihiin kuwa kasoo horjeeda dhul balaarsiga.

Hoos kadaawo

Maxamuud Cabdi Ibraahim ayaa Ugaaska waraystay.

Ugaaska beesha Geri Koombe

Ugaas Cabdisalaan Jaamac Faarax wuxuu ka hadlayaa xaalada odayaal kasoo jeeda Dawlada deegaanka Soomaalida ayaa Radio Daljir u sheegay in Somaliland xirtay odayaal kasoo jeeda deekaankooda."Hadii Xariga odayaasha beelaha Geri Ictiraaf aad ku helaysaan kuwo kalana xidha, waxaa la yaab leh in Oromo lasoo dhoweeyey odyaaashaydiina la xirayo", Daawo muuqaal dheer.

Posted by Radio Daljir on Tuesday, January 1, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nin dhiiga walaladii aqoonsi ku radinaya. Wayabe maxaa soo socdo lasugi. Inay iyagu is gatan aya haray. Iyo inay cadaw shisheye kuso hogamiyan dalka.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com