Somaliland oo Sii daysay Boqor (Buur-madow)

Somaliland oo Sii daysay Boqor (Buur-madow)

Waxaa maanta la siidaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) horay Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay Saddex sanno oo xabsi ah ugu xukuntay.

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in 60 maalmood ka dib Maanta xabsiga laga siidaayay Boqor Buurmadow.

Somaliland waxa ay horay ugu eedeysay in uu kasoo horjeedo Madaxbaanida Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa kaga qayb-galay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0