Somaliland oo Si kulul Cambaaraysay Booqashada Madaxweyne Gaas ee Badhan

Kullan wadajir ah oo yeesheen Madaxda Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa lagu cambaareeyay socdaalka Madaxweynaha Puntland uu ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Socdaalkaas waxay ku tilmaameen mid daandaanis ah,

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiinta labada xisbi oo kulanka ka dib shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Hargaysa waxay sheegeen in xukuumad Somaliland ay waajibkeeda ka gudan doontaan waxa uu ugu yeeray gardarrada maamulka Muqdisho ka wado xuduudaha Bari ee Somalinad

“Haddaannu Somaliland nahay far qudha ayaannu nahay, militeri ahaan iyo siyaasad ahaanna waannu difaaci karnaa dalkeenna,Badhinina guuri mayso, dawladdana waannu ku garab taaganahay wixii dan guud ah iyo difaaca qarankaba oo waa loo siman yahay,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

“Imaatinka madaxweynaha Puntland ee Badhani waxa ay muujinaysaa Daan-daansi, in iyada oo markii horeba laga wada-hadlayey in la nabadeeyo Tuka-rag in doc kale uu muran ka bilaabmaa waa daan-daansi, nabadduna cid walba waa dan, cid kasta oo abuuraysa xaalad ammaan-darro waxanu u sheegaynaa in qaranka waajibkiisu yahay inuu iska difaaco wixii gardarro ah.” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland wuxuu kuu sifeeyey socdaalka madaxweyne Gaas mid looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo nabadda iyo deggenaanshaha ka hanaqaaday Somaliland,

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com