Somaliland oo shuruud ku xirtay wada hadal ay dowladda ay kula gasho Hargaysa

Somaliland oo shuruud ku xirtay wada hadal ay dowladda ay kula gasho Hargaysa

Somaliland oo horay u sheegtay inay dalka intiisa kalle ka go’day ayaa shuruud ku xirtay wada hadalo ka dhaca magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho oo ay yeeshaan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inuu jirin wax wadahadal ah oo usocda labada dhinac, isagoona u sababeeyey go’aankii ay dowladda Soomaaliya uga soo horjeesatay heshiiskii Itoobiya, DP World iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay diidmadii ay dowladda ay ka muujisay hakad gelisay wada hadalka, mar la waydiiyay sababaha shirarka Somaliland iyo Dowladda Faderaalka loogu qaban waayay Hargaysa iyo Muqdisho ayuu sheegay inay yeelayn inta ay dowladda dhexe ay aqoonsanayso Somaliland.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com