Somaliland oo Puntland ku eedeysay Dilka Taliyihi Milateriga Somaliland ee Taleex (dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Maamulka Somaliland Saleeban Cali koore oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in Puntland ay kadambeyso Dil xalay loogu geystay duleedka Taleex Taliyihii Ciidanka Miliateriga Taleex ee Somaliland Saleeban Cabdi caateye.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa shegay sido kale in dhaawac loo geeystay Guddomiyihi Somaliland ugu magacwnaa Taleex Cabdirashiid,isagoo sheegay in arrintaas jawaab deg deg ah ka bixin donaan.

Sido kale dhinacooda waxaa ka hadlay Arrintaas qaar kamid ah Xildhibanada Somaliland ,iyago ku tilmaamay falkas mid gardaro ah oo aysan ka amuusi doniin Ciidamadda Somaliland.

Puntland ayaan jawaab ka bixin eedeynta uga timid dhinaca Somaliland ee ahaa inay kadambeyaan Dilka Taliyahaas iyo dhaawaca Guddomiyihii Taleex ee Somaliland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com