Somaliland oo ka hadashay markab dowladda Sacuudiga ay dib usoo celisay (daawo)

Somaliland oo ka hadashay markab dowladda Sacuudiga ay dib usoo celisay (daawo)

Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi ayaa ka hadlay markab xoolo nool ka qaaday dekedda magaalada Berbera oo ku xaniban dekedda magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Wasiirka ayaa sheegay dowladda faderaalka Soomaaliya inay cabasho ka gudbisay Somaliland oo ay dowladda Sacuudiga kusoo rogtay inay soo qaataan sharci wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda faderaalka Soomaaliya.

Waxaa uu ku eedeeyey dowladda faderaalka Somaliland inay cuno qabatayn iyo dagaal toos ah ku hayso Somaliland siyaasad ahaan iyo dhaqaalle ahaan.

Somaliland ayaa horay udiiday inay dowladda faderaalka Soomaaliya ay ka qaadato waraaqaha ogolaanshiyaha maadaama Sacuudiga uu aqoonsanayn sida ay isku arkaan ee ah inay yihiin dal madaxbanaan.

Hoos kadaawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com