Somaliland oo Itoobiya ka Codsatay In la Xiro Garoonka Buuhoodle (Daawo)

Somaliland oo Itoobiya ka Codsatay In la Xiro Garoonka Buuhoodle (Daawo)

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa ku baaqay in Somaliland ay joojiso Diyaaradaha tagaya Magaalada Buuhoodle Ee Gobolka Togdheer.

Feysal Cali Waraabe ayaa Xusay in ay jiraan Siyaasiin ku sugan Garowe oo doonaya in ay Fashiliyaan Heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo u xusul duubaya in ay tagaan Buuhoodle Bulshadana qaldaan.

HOOS KA DAAWO

Ciidamada Itoobiya ayuu Feysal Cali Waraabe ka dalbaday in ay ka hortagaan siyaasiinta doonaya in ay fashiliyaan heshiiskii Somaliland iyo Cali Khalif, maadaama ayuu yiri Somaliland iyo Itoobiya ay arrimaha ammaanka heshiis ka wada gaareen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com