HomeUncategorized

Somaliland iyo Dawlada Federalka oo heshiis ku gaarey Ankara ( Akhriso)

Ankara, April 13, Wada hadaladii magaalada Aknkara uga socdey Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ka kooban 7 kuwaasoo wax ka taabanaya Wada shaqaynta labada dhinac, wadaagista deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya iyo arimo kale.

Sawirro-Madaxweynaha Puntland oo daahfuray kaydka shidaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.
Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Goobihii lagu Dagaalamay ee Garacad
Ankara, April 13, Wada hadaladii magaalada Aknkara uga socdey Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ka kooban 7 kuwaasoo wax ka taabanaya Wada shaqaynta labada dhinac, wadaagista deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya iyo arimo kale.
?
Todoba qodob ayaa ka soo baxay Heshiiska Ankara ayaa u dhignaa sidan hoose.
?
1. In guddiga labada dhinac isku afgarteen in wada hadalku sii socdo
2. In la taageero baaqii horey uga soo baxay Shirarkii dalalka Ingriiska iyo Imaaraadka Carabta
3. Wada hadalku in uu u dhexeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland
4. In lagu heshiiyey in la gaarsiiyo Somaliland mucaawanada iyo arrimaha horumarka Caalamku Soomaaliya siiyo
5. In la wadaago arrimaha amaanka, is dhaafsiga sirdoonka, tababarada iyo deeqaha waxbarasho, la gadaalanka argagixisada, burcad-badeeda iyo kaluumeysiga sharci darrada ah
6. In muddo 90 malmood ah gudaheed lagu kulmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga
7. Waxaa lagu heshiiyey in laga fogaado hadalada iyo dicaayadaha dhaawici kara wada-hadalka labada dhinac
?
Halkan ka eeg isagoo ku qoran Luuqada Ingiriisidda.
?
\"\"
Heshiiskan labada dhinac wada gaareen waxaa u kala saxiixey Dowladda federaaliga ah ee Soomaaliya waxaa u saxiixey Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, Somaliland waxaa u saxiixey wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdullaahi Cumar
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: