Somaliland: Ajaanib laga helay cudurka COVID-19

Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray Cudurka laga helay 10 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira rag 7 Dumar ah ayaa Gudiga waxaa ay sheegeen in lix kamid ah ah ay yihiin Ajaanib Shaqooyin kala duwan ka haayay deegaannada Soomaaliland.

Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 765 Ruux 29 Ruux ay u geeriyoodeen halka 518 Qof ay ka bogsoodeen.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana arrintaan ay kusoo aaday, iyada oo dhawaan Soomalailand ay qaaday xayiraadii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com