Site icon Radio Daljir

SOMALIA:Ma jiro Darbi laga Dhisay Xadka aan la Leenahay Kenya

Somalia, November 19, 2015 (Daljir) —Xubnaha wafdiga ayaa ka koobnaa  guddiyada difaaca, arrimaha dibadda, arrimaha gudaha ee baarlamaanka Somalia, guddigga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, xubno ka socday maamulka Jubbaland oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa labada maalmood waxay u kuur-galayeen xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo cabashooyin ka soo yeeray shacabka magaalada Beled-xaawo.
 
Socdaalka kaddib, waxay wafdigu soo saareen qodobadan:
 
1. In darbi la dhisay aanu noo muuqan.
2. Inaanay noo muuqan calaamad xuduudeed la bedelay.
3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6-mitir oo dhinaca Kenya ku yaalla oo u jira 6-mitir calaamadda xuduudda noo ah, godkaasoo dhererkiisu yahay ilaa 700-mitir.
4. Waxaan Buulo-Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoosyo la mariyay.
 

Daljir.com

Exit mobile version