Somalia oo Shir Muhiim ah uga Qayb-gashay Jabuuti

Isniin, Oktoobar 19, 2015 (Daljir) —Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo dalka Jabuuti uga qeyb galay shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika, loogana hadlayay dhismaha Cidanka heeganka dalalka bariga Afrika ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in sidoo kale uu ka qeyb galay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee dalalka bariga Afrika, waxaana uu tilmaamay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa heegan u ah inay u gurmadaan dalalka bariga Afrika ee ee amni darrada soo wajahda.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in shirka dalalka bariga Afrika oo ka kooban toban dal ay Soomaaliya sanadka soo socda shir guddoomin doonto, isagoo xusay in haddii lagu guuleysto dhismaha ciidanka heeganka ee bariga Afrika ay dabooli doonaan baahiyaha xaga amniga ah ee ka jirta dalalka qaaar.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

Shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika oo muddo ku dhow saddex maalin ka socday dalka Jabuuti ayaa la isku raacay in ciidamada heeganka ay shaqadoodu bilaabi doonaan dhamaadka bisha December ee sanadkan, kuwaasi oo tiradoodu lagu sheegay inay gaareyso 25 kun oo askari.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com