Somaaliya oo ka qayb gashay shir looga hadlayo Covid-19

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qyeb-galay ka shir ka Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa caqabadaha dhaqaale ee uu sababay Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay ku dhawaad 73 Wasiiir Maaliyadeed iyo masuuliyiinta hey’adaha dhaqaalaha Aduunka oo Khudbad ka jeediyay shirka, kuwaas oo shaaciyay inay taageero maaliyadeed siinayaan wadamada uu saameynta dhaqaale ku yeeshay Cudurka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimadiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee wadamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu Cudurka saameeyay.

Waxaa uu sheegay in wadamada ay badankood soo jeediyeen hadalo dhowr ah oo ku saabsan in dalalka sida ay u kala daran yihiin loo caawiyo, isla markaana la sameeyay dhaqaalo arruurin ballaaran si dalalkaas dhaqaalahooda uu u sii kabmo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com