Xidhibaan Hore, Siyaasiyiin & Ganacsade Garoowe lagu Xiray

Xidhibaan Hore, Siyaasiyiin & Ganacsade Garoowe lagu Xiray

Waxaa maanta Garoowe lagu xiray 4 siyaasi oo ay ku jiraan shaqsiyaad horey Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay. Siyaasiyinta la xiray qaar kamid ah waxa ay kal hore Garoowe waxay kaga dhawaaqeen madal lagu magac baxday “Maddasha Samatabixinta Puntland” taas oo ay shegeen in ay uu kuurgalayso xaaladda dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Puntland.

Siyaasiyiinta maanta xabsiga la dhigay waxaa kamid ah:

  1. Dr. Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne, xilal kala duwan oo heer Wasiir iyo Agaasin Hay’ad ah ayuu ka soo qabtay Puntland, waxa uuna kamid yahay siyaasiyinta Garoowe caanka ka ah
  2. Daahir Ciiro, Xildhibaan hore hadana ah siyaasi, in baddana ka hadlay xaalka Puntland iyo kan Soomaaliya
  3. Duni Maxamed Guulato oo asna ganacsde Puntland
  4. Faysal Faarax Cali oo  ah aqoonyahan Puntland

Siyaasi Daahir Ciiro oo la soo xiriiray isago xabsiga ku jira Radio Daljir ayaa sheegay in salaadi duhur ee maanta lagu xiray xabsiga dhexe ee Garoowe, waxa uuna sheegay in dhammaantood lagu xiray amar madaxda Puntland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com