Siyaasiga Cabdilaahi Siciid Samatar oo lagu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso, kana hadlay arimo kusaabsan doorashooyinka Puntland .

Boosaaso, Dec 6, Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Puntland marna soo nqoday Wasiirka Amniga ee Puntland, ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, isagooo kasoo laabtay safar dibada ah,

?
Jananka oo sheegay inuu u sharaxan yahay xilka M/weynaha Puntland ?ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey dad taageerayaashiisa ah, Wuxuuna shir Jaraa’id ku qabtay goobta nasashada ee garoonka Diyaaradaha,
?
Hadalkiisa ayuu ku taabatay dhinacyo badan oo ay kamid tahay xaalada siyaasadeed ee Puntland xiliga doorashooyinka iyo qaabka ay u dhacayaan oo isagu uu dood ka qabo iyo baaq uu u diray Isimada iyo Xukuumadda Puntland.
?
Wuxuu sheegay in wakhtiga Xukuumadda Puntland uu ku eg yahay 7 bisha January ee sanadka soo socda aysana ka ogolaan doonin Xukuumadda inay maalin ku darsato mudadaasi sida uu hadalka u dhigay.
?
Cabdilaahi Siciid Samatar ayaa Wasiirkii Amniga kasoo noqday Xukuumadii Cadde Muuse iyo midan Faroole waxaana xilka qaadis lagu sameeyey sanadii 2010 iyadoo wixii mudadaas ka danbeeyey uu isu bedeley mucaarad ka horjeedda Xukuumadda Puntland.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com