Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la noqday Qareenadii u doodayeey (Akhriso)

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la noqday Qareenadii u doodayeey (Akhriso)

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kala noqday Wakaaladdii Qareen ee saddexdii qareen uu u doodayay, kaddib markii Maxkamadda Racfaanka ay dib u furtay kiiskii siyaasigan oo 21-kii bishan ay soo afjartay Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana dib ugu celisay Xoriyaddiisa, hase ahaatee Xeer Ilaalinta ay sheegtay inay racfaan ka qaadatay.

Warqad qoraal ah oo uu qoray C/raxmaan C/shakuur ayuu ku sheegay inuu kala noqday wakaaladii Qareennimo ee Qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Qareen C/kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida hufan ee aad ii difaacdeen, dacwadii horgeynta Maxkamadda Gobolka Banaadir, hase ahaatee waxaa idin ku wargelinayaa inaan ka noqday idmashadii Qareen inaad iga noqotaan dacwadda siyaasadeysan ee uu Xeer Ilaaliga doonayo inuu igu socodsiiyo si aan waafaqsaneyn sharciga”ayaa lagu yiri warqad uu qoray C/raxmaan C/shakuur.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay maanta dib u celisay qareenadii C/raxmaan C.shakuur, maadaama aysan xilligaas wadan wax wakaalad ah, iyadoo la sheegay in dhageysiga dacwada dib loo dhigay maalin kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com