Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qoraal xalay warbaahinta lagu shaaciyay inay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ay xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan), isla markaana ay Maxkamada gobolka Banaadir aqbashay in gal dacwadeedka Janan la xiro.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook soo dhigey qoraal uu ku naqdinayo go’aanka xeer ilaalinta Qaranka ku xirtay dacwadii loo heystay Cabdirashiid Janan isagoo ku tilmaamay cadaalad darro .

Hoos ka akhri Qoraalka uu Qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday.

Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri;“Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”
Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.

Farriintaan ha la gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.

https://www.facebook.com/AAbdishakur/posts/3708463189266175


Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com