Site icon Radio Daljir

Sirdoonka Kenya ” Waxaan Haynaa Xogta ah 200 oo Kenyaan Shabaab ah ”

Laamaha Amaanka iyo Sirdoonka Wadanka kenya ayaa maalmahan kudaba jiray kenyaan shabaab ah oo gaaraya 200 oo ciidan shabaab ah kuwaas oo dib ugu laabtay gudaha Kenya ,kuwaas oo qorshaynaya Weraaro Aragagisxisa ah.

Hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS ayaa sheegyay in ay heyso caddeymo muujinaya in 200 oo Kenyaan ah kana tirsan Al-shabaab ay ku laabteen dalka Kenya,kuwaas oo isu diyaarinaya in ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah danaha dowladda Kenya.

Ciidamo farabadan ayeey so dowladuu Magaalooyinka Gaarisa,Wajeer,Mandheera iyo Lamu,iyada oo Ciidamadaas la sheegayo in ay ka hortagayaan weerarrada la qorsheynayo.

Adkaynta Amaanka Kenya ayaa la geeyay meesha ugu sareysa waxaana ay dowladdu sheegtay in ilaalo la geeyay Suuqyada waaweyn,Dugsiyada iyo Kaniisadaha oo sida sirdoonku sheegeen ah bartilmaameedka 1aad ee Ragga Al-shabaab ka tirsan ee ku laabtay Kenya ay beegsan doonaan.

Exit mobile version