Sirdoonka Itoobiya oo dambiile Mukhtaar Suubane (Jail Ogaden) ka soo qabtay Hargeysa

Sirdoonka Itoobiya oo dambiile Mukhtaar Suubane (Jail Ogaden) ka soo qabtay Hargeysa

Mukhtaar Suubane oo ku magacdheeraa (Sheekh Mukhtaar), xilligii xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ahaan jiray madaxa sirdoonka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayey ciidamada sirdoonka dalka Itoobiya gacanta ku soo dhigeen, kana soo qabteen magaalada Hargeysa.

Mukhtaar ayaa muddadii uu xilka hayey waxa uu shacabka u gaystay tacadiyo aad u daran, qaarna waxa uu la beegtay xasuuq, kuwaas oo ay ugu horreeyeen maxaabiistii ku xidhnaan jirtay xabsiga wayn ee adduunka looga yaqaan JAIL OGADEN.

Mukhtaar waxa uu kililka ka baxsaday markii ay burburtay xukuumadii Cabdi Iley uu hoggaamin jirey.

Isla maanta waxaa dambiile Mukhtaar Suubane loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com