Sidey u shaqeyaan Maxkamadaha Gobalka Mudug (dhegayso)

Sidey u shaqeyaan Maxkamadaha Gobalka Mudug (dhegayso)

Qaaliga Maxkamada degmada Jariiban ayaa ka hadlay Qaabka ay u shaqeeyaan Maxkamada Degmadaasi iyo sidoo kale Caqabado ka taagan Xaruntii Xukunka ay ku ridi lahayd Maxkamada.

Shiikh Jaamac Shiikh Maxamuud Shiikh Xassan Qaaliga Maxkamada Darajada Koobaad ee degmada Jariiban ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Kiisaska Kufsiga iyo Dilka iswata ee ka dhacay deegaanada Puntland isagoona sheegay Kiiskii ugu danbeeyey ee Najmo C/qaadir inaysan Maxkamadu hayn Cadaymo ay ku xukumi karto isagoona sheegay ilaa 9 Qodob oo Maxkamadu ay u marayso Xukunada.

Qaaliga ayaa u mahad celiyey Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Xareed isagoona sheegay inuu dadaal badan ku bixiyey sidii loo heli lahaa Cadaymaha Kiiska Gabadhayarta ee Degmada Buurtinle lagu kufsaday kadibna ugu dhimatay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com